Xogmaal Media

WARAYSI : Horjooge hore oo Al-shabaab ah oo fashilay sir badan

0

AFGOYE : Warbaahinta Xogmaal Media waxaa u suurta galay inaay xariir hoose la yeelato horjooge hore ee ka tirsanaaay Kooxda Al-shabaab kaasoo fashiliyey sir badan.

Sababo amni awgeed waxaan qarinay magaciisa anagoo waraysi kula yeelanay qadka taleefanka isagoo kujira gacanta Dowladda federalka ee Soomaaliya oo uu gabaad ka helay.

Waxaaana wax badan ka weydiinay bal sida ay Al-shabaab ugu sahlanaatay soo galinta qaraxyadda gudaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxa uuna tibaaxay wada shaqeyn ka dhexeysa qaar kamid ah Gudoomjiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo Al-Shabaab.

Dhanka kale waxaan wax ka weydiinay iyaga oo aan Muqdisho ku lahyn xarumo iyo xafiisyo ay ka arimiyaan balse helaya xogta Ganacsatada kala soo degta alaabaha Dekadda Muqdisho kuwaasoo ku amraya ineey bixiyaan caanshuur ay ugu yeereen ZAKAAWAAT.

Waxa uuna yiri sidaan horay kuugu sheegay waxa wada shaqeyn buuxda ay ka dhex dhaxaysaa Masuuliyiin ka tirsan dowladda kuwaasoo ka amar qaata Al-Shabaab si ay nafsadooda ugu badbaadiyaan.

Hadii ay sameeyaan amar diido ku aadan wada shaqeyntaas waxaa durba lagu dilayaa shirqool loo maleego , Qarax ama toogasho toos ah.

Dhanka kale xariiro aan la sameeynay masuuliyiintaas tuhunka saaranyahay ayaa ka gaabsaday wax wareeysi ah oo ay nasiiyaan , waxaana isku dayi doonaa inaan dhawaan balaarino xadhiidhyadda aan la yeelan doono dhanka Dowladda si aan u xaqiijino amuurtaas.

Bille Isse Abdi
Afgoye – Somalia

Leave A Reply