Xogmaal Media

Sh Shariif oo baaq udiray DFS & Beesha Caalamka

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran (FNP) ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha ku dhuftay deegaano ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Sheekh Shariif ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah loo sameeyo dadkii ay saameeyeen fatahaadaha wabiyada iyo daadadka ka dhashay roobabka, isla markaana la iska kaashado sidii kaalmo bani’aadanimiyo loo gaarsiin lahaa dadkaas.

“Waxaan murugada la qaybsanayaa shacabka ku barakacay daadadka ku dhuftay deegaanno ka tirsan Jubaland sida Baardheere, Madhawa iyo Jaziiradda Kudhaa, Waxaan ugu baaqayaa Dowladda, Ganacsatada, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in gurmad degdeg ah loo fidiyo”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu imaanaya xili wabiga Jubba uu fatahaad ka sameeyay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, deegaanada Madhawa iyo Jaziiradda Kudhaa oo ka tirsan Jubbooyinka.

Xigasho : Jowhar.com

Leave A Reply