Ganacsiga Starbucks oo talaabo cusub qaaday markii uu u taag waayey qaar kamid ah macaamiishiisa.
Ganacasiga caanka ah ee Starbucks xarunta ay ku leeyihiin xaafadda Cedar-Riverside ee magaaladda Minneapolis ayaaa maanta qaaday talaabo cusub oo la xiriira xanibaadda iyo sharciga kala fogaansha ee looga hortagayo cudurka Coronavirus (COVID-19).
Goobta gaariyaasha la dhigto ee ganacsiga Starbucks ee ku yaala xaafadda Cedar-Riverside oo dhagaxaan shub ah lagu gudbay
Starbucks-kan ayaa ah goob caan ah oo ay Soomaali baddani macaamiil u tahay. Sidoo kale goobtan ayaa ah goob lagu falanqeeyo siyaasadda dalka iyo dibadadiisaba. Starbucks-kan ayaa ah meel hadh iyo habeen looga hadlo siyaasada Soomaalida, waxayna ku caan baxday in ay tahay goobta fadhi ku dirirka ama baarlamaanka looga arrimiyo siyaasada fadhi ku dirirka.
Haddaba markii loo taag waayey macaamiisha Soomaaliyeed iyo kuwa qoomiyadda Oromada oo iyagu ganacsigii oo xiran weli ku kulmaya banaanka iyo goobta baabuurta la dhigto, ayaa maanta waxaa gebi ahaanba la xiray oo dhagaxaan shub ah lagu gudbay qayb kamid ah goobta baabuurta la dhigto.
Talaabada maamulka ganacsiga Starbucks ay maanta sameeyeen ayaa noqonaysaa mid ka tarjumaysa sida loogu taag waayey qaar kamid ah bulshadda Soomaaliyeed oo laga la’yahay in ay qaataan ama raacaan wacyigelinta iyo sharciyadda la xiriira ka hortaga cudurka faafa ee Coronavirus iyo weliba xanibaada guri jooga ah ee gobolka Minnesota.
Qaar kamid ah Soomaalida macaamiisha u ah Starbucks-kan ayaa ii sheegay in maalinta Sabtida dib loo furayo adeega iyo wax ka gadashadda, iyaga oo arrintaas ku faraxsan. Sidoo kale waxay ii sheegeen in ay sugi la’a yihiin ilaa iyo inta si rasmi ah loo furi doono goobtan ganacsi oo ah marka xannibaada guri jooga iyo kala fogaanshaha gobolka Minnesota oo la filayo in ay dhamaato bisha May 18, 2020.
Isha warka Tusmo Times