Xogmaal Media

STARBUCK-KA CEDAR RIVERSIDE OO DHAGAXAAN LAGU GADAAMEY

0

Maamulka xarunta laga qaxweeyo ee Starbuck qeybta ku taalla xaafadda Soomaalidu u badantahay ee Cedar Riverside ayaa u gadaamey dhagaxaan shub ah xaruntaasi kaddib markii ay u taag waayee dhibaato kaga timid Soomaali badan oo iskugu taga bannaanka xaruntaasii oo dhawaan lagu xirey amar ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz si looga hortago faafida cudurka Covid 19.

Maamulka ayaa talaabadan u qaaday si ay ugu hortagaan in aysan cidna horfadhiisan xaruntaasi, waxayna sheegeen in maalmahaba ay rag Soomaaliyeed oo ka badan labaataneeyo ay markiiba goobtaasi imaan jireen si ay ugu sheekeystaan kuwaasoo aan raacin tallooyinkii ka yimid ee ahaa in dadku ay isku jirsadaan masaafo lix talaabo iyo wixi ka badan hal goobna aysan iskugu imaan Karin dad badani.

Axmed Ismaaciil oo ah qoraa Soomaaliyeed ayaa falka ay ku kaceen Soomaalida ag daggan Starbuck Cedar Riverside ku sheegay in ay tahay mid aad u foolxun wuxuuna intaas ku darey.

Dhinaca kale mid ka mid ah suuqyada Soomaalidu ku ganacsato ayaa shalay la furey walow markii dambe la xirey taasoo xadgudub ku ah amarkii dhawaan lagu xirey goobaha ganacsiga ee gobolka,

Sheekh Tawakal oo ka mid ah culumaa’iidinka gobolka Minnesota xubina ka ah guddiga wacyigelinta xannuunka Covid19 ayaa dhacdada suuqaasi lagu furey ku sheegay mid aan habbooneyn wuxuuna yiri “Ma jirto suuq si rasmi ah loo furay, starbuck dhibaatada laga soo sheegaya waxaa diyaar u nahay in aan ka waanino dadka oo ah in aysan istaagin banaanka Starbuck iyo suuqa 24-ka banaankiisa” 

labadan dhacdo ayaa ku soo beegmaya xilli tirade dadka uu ku dhacayo xannuunka Coronavirus ay sii badaneyso iyadoo sidoo kale hal maalin gudaheed ay cudurkaasi u dhinteen 30 qof taasoo si weyn walaac ku abuurtey shacabka degan gobolka Minnesota.

Leave A Reply