Wararka inaga soo gaaraya Xaafada Nation ayaa sheegaya in rasaas xoogan la maqlay ka hor salaadii Maqrib.
Mar keliya ayaa la maqlay rasaas is weydaarsi ah Oo dhexmareysay ciidamada NISA iyo kuwo Boolis ah.
Ciidanka Booliska ayaa ka shakiyey raggaan bistooladaha watay kuwaas Oo la sheegay inay ahaayeen Ciidanka ilaalada Shacabka.
Taliye kooxeedkii NISA dagaalkaasina ka qeyb galay ayaa la dilay waxaana markii dambe xaalada la dejiyey.
Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Warta Nabada Xuseen Cad ceed oo howlgalka Xaafada Nation hogaaminayey ayaa deg deg loo amray inuu kusoo xaroodo Taliska guud qeybta Booliska Gobolka Banaadir.
Taliyaha ayaa wax laga weydiin doonaa sida ay ku dhacday tacshiirada lagu dilay sargaalka katirsanaa ciidamada Nisa qeybtooda Xaafada Nation ka waardiyeysa dhinaca Suuqa Bakaaraha.
Ciidamada amniga ayaa dhowr jeer isku khaldamay iyagoo aan iswareysanay ayeyna dagaalamaan.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.