Kulankaan uu shir gudoominayey Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa wax aka qeyb galay Gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo Saraakiisha Amaanka Gobolka qaabilsan.
Waxa looga hadlay Arimaha Amniga,Bisha Ramadaan oo bilaabatay iyo Xaalada Xakameynta Cudurka Covid 19,waxaana warbixin laga dhageystay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Muqdisho.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday udiyaar garoobida Xilli Roobaadka Guga oo Muqdisho marka uu roob da’o meelaha qaar biyo fadhiisid noqdaan,waxyaabaha kasoo baxay Shirkaasi waxa saxaafada uga waramay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan.
Dhinaca kale Duqa Muqdisho Cumar Filish oo xariga ka jaray Warshad dhismaha Waddooyinka qaabilsan ayaa ka dalbaday inay deg deg udhisaan waddooyinka caasimada ee bur burka ka muuqdo.
Iyadoo inta badan waddooyinka Muqdisho marka la dhiso ayaa hadana waxa ay noqdaan kuwo biyo fadhiistaan maadaama aan loo sameyn meelihii biyaha ka bixi lahaayeen.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.