Xogmaal Media

Farmaajo iyo qorshihiisa ku aadan James Swan, Yamamoto & Safiirka UK

Siyaasiga Faarax Macali Dawaara ayaa usoo jeediyey Madaxweyne Farmaajo inuu muujiyo awoodiisa gaarka ah si uu uga baaqsado Xubnaha Beesha caalamka inay umeeriyaan wax dalka aan munaasab ku aheyn.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu Faarax Macalin, sheegay in dowladda Soomaaliya Ka gaabisey run usheegida si amar ku jiro kooxda C6+ loo yaqaano,ayna ku jiraan James Swan, Yamamoto & Safiirka UK Ee Soomaaliya.

Faarax Macalin waxa uu yiri “Soomaaliya ha ogaato inay tahay Dowlad madaxbanaan,Safiirada la aqoonsan yahay, waa inay ku qanacaan kaalintooda edbinta xadidan. Kaalintaadu waxay lamid tahay kuwa dhiggooda ah ee Kenya, Uganda, Ghana, Hindiya iwm ayuu Farax Macalin si maldahan ugu jeediyey Farmaajo Baaqaasi”.

Gudoomiye kuxigeenkii hore Baarlamaanka Kenya ayaa sidoo kale yiri:

Barlamaanka Soomaaliya waxaan leeyahay hambalyo go’aanka aad qaadateen si aad uga xoreeysaan qaranimada Soomaaliyeed xariggii qabqablayaasha dagaalka & goonyo kiraystayaasha waxa uu ku sheegay.

Soomaaliya waxay ku raaxeysan doontaa doorasho guud muddo laba sano gudahood ah. Khaliijka Carabta & waxa loogu yeero Beesha Caalamka waa inay ixtiraamaan go’aanka baarlamaanka gaareen ayuu yiri Faarax macalin Dawaara.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.