Xogmaal Media

Maxaa la gudboon Xaliimo Yareey iyo Doorka Doorashadda Soomaaliya.

Guuxa Doorashada ayaa mar kale waxa ka xoog badiyey mowjadaha soo socda iyo waxa ka dhalan kara markii muddo kordhin la sameeyey.

Soomaalida ayaa ku maah maahda Bowdo rageed maalinba mid baa qaawan!

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa mar kale loo daba fadhiisan doonaa Doorashada oo sanadkii hore la go’aamiyey in aan loo baahneyn.

Guddigaasi waxay hadda qaban doonaan Sameynta Shuruucdii lagu hagi lahaa doorashada,xilli Mucaaradka iyo Madaxda Maamul Gobolleedyada Badankood aysan ku qanci Karin muddo kordhinta dhacday.

Shirkii shalay Isniintii Golaha Shacabku yeesheen waxay labo sano muddo kordhin ah usameeyeen hay’adaha Federaalka,taas oo Labada sano ee soo socota lagu diyaarinayo doorasho qof iyo cod ah.

Waa taatiko cusub oo la rabo in ay Farmaajo iyo Saaxiibadiisa Nabad iyo nolol ku legdaan dhinacyada diidan hab maamulkooda.

Gudoomiye Xaliimo Yareey ayaa waxay katirsaneyd xisbiga damu jadiid ee Xasan Sheekh Maxamuud,ma kala dooran doontaa halka looga yeerayo Ee Farmaajo mise Xasan?

Siyaasiyiinta qaar ayaa aaminsan in Xaliimo Yareey ay taageeri karto,Xasan Sheekh Maxamuud una fududeyn karto dib ugu soo laabashadiisa Xukunka maadaama mar madaxweyne soo noqday.

Waxay Soomaaliya hadda taagan tahay Isgoys Badweyn ah oo siyaasad doonta lawada saaran yahay degi karto hadii aan la bad baadin.

Dalkase ma udiyaarsan yahay xilligaan in doorasho qof iyo cod ah la qabto maadaama la sheegay in aysan suurta gal aheyn oo Shabaab ay deegaano badan heystaan.

Sidoo kale heshiis Saamileyda Siyaasada aysan aheyn ayaa jirta oo lagu baaqay in xal la gaaro oo nidaamka Xisbiyada ay sidaas doorasho ku galaan.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.