Xogmaal Media

Muhaajiriin ku dhintay doon ku degtay dalka Jabuuti

Wararka ka imanaya dalka jabuuti ayaa sheegaya in Ugu yaraan 39 ruux ay ku dhimatay xeebaha dalka Jabuuti kadib ay qalibantay dooni ayusaarnaayeen, sida ay ku warrantay Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha socdaalka ee IOM.

Doontan ay lahaayeen koox dadka tahriibisa ayaa siday 60 qof oo muhaajirin ah kuwaas oo kasoo qaxay dagaallada Yemen, waxay ku wajahnaayeen dalka Jabuuti.

Hay’adda ayaa intaas ku dartay in aanan la ogeyn waxa sababay in doonta ay shilka gasho.
Waxay sidoo kale walaac ka muujisay tobonaanka kun qof ee muhaajiriinta ah Afrikaanka ah ee galaya safar halis ah si u gaaran waddamada Khaliijka.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii 20 qof oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen xeebaha Jabuuti kadib kooxaha wax tahriibiya ay 80 qof ka dajiyeen doonyo ay saarnaayeen dadkaas xilli ay marayeen badda Jabuuti.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.