Xogmaal Media

Turki oo Dalbanayo in Ciidamo Caalami ah ay Difaacaan Falastiin

Dowladda Turkiga ayaa ka shaqeynaysaa fikir ku saabsan in ciidamo nabad ilaalineed lageeyo Falastiin si ay uga difaacaan xadgudubka dowladda Yuhuudda.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Receb Tayyab Erdogan oo qadka telefoonka kula hadley dhigiisa Ruushka, Vladimir Putting ayaa soojeediyey in ciidan caalami ah oo nabadda ilaaliyo la geeyo Falastiin. Sida oo kale Turkigu waxa uu amaaney qudbadi Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushku uu ka jeediyey Qaramada Midoobey, mar uu ka hadlayey xaallada ka taagan Bariga Dhexe.

Qadiyada dowladda Turkiga ee arrimaha Falastiin ayaa iyadu ah mid cad oo aan daah saarneyn, garab-istaaga shacabka reer Falastiinna ee Turkidana ma ahan mid ka biloowdey xaallada hada taagan ee duulaanki Yuhuuddu ay ku qaadey Falastiin. Sanadki 2014-ki ayey xiriirka ku kala qaateen Turki iyo Yuhuuddu xaallad adag oo markaas ka taagneyd Qasa.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.