Xogmaal Media

Mats Hummels iyo Thomas Muller oo ku soo Noqdey Xulka Qaranka Jarmalka

Ciyaartoydan waayo-arraga ah ee Thomas Muller oo u ciyaaro Bayer Munchen iyo Mats Hummels-ka Borussia Dortmund ayaa saddex sanno oo ay ka maqnaayeen xulka Jarmalka ka dib loogu yeeray in ay ka mid noqdaan kooxda Koobka Qaramada Yurub ku matali doonto dalka Jarmalka. Tababare Joachem Low ayaa labadan laacib ku darsadey ciyaartooyda sanadkan ku mataleysa koobka Qaramada Yurub oo lagu qaban doono magaalooyin kala duwan oo dalalka Yurub ah.

Thomas Muller oo 31 jir ah iyo Matz Hummels oo sanad ka weyn ayaa loo sheegay in aan dib loogu yeerayn ka dib guuldaradi 2018-kii kooxda Jarmalka ka soo raacdey ciyaarihi aduunka ee 2018 lagu qabtey dalka Ruushka. Jarmalka ayaa wareegi hore ku horey ka dib marki ay Mexico 1-0 iyo Koonfurta Kuuriya 2-0 ku garaaceen, halka uu ay Sweden kaga badiyeen 2-1. Tan iyo xilligaas ka dib waxaa soo kordhayey dhaliilaha loo hayo tababaraha De Mansschaft, Joachom Low ee ku aadan ciyaartoydan uu ka tagey.

Waxaa si aad ah loogu dhaliiley ka tagidda Thomas Muller oo horyaalka iyo Champions League-ba wacdaro ka muujiyey, goolal isdabajoog ah na dhalinayey. Waana weeraryahanka ugu goolasha badan (10) weeraryahanada reer aduunka ee wali ciyaarayo, ChristianoRonaldo iyo Luis Zuares ayaa ku soo xigo. Sida oo kale marki ay kooxda Spain 6-0 ku garaacdey November, 2020-ki ayaa aad loogu eedeeyey in uu wado difaac aan aad u adkeyn, waayo arragnimo badan aan meesha ku hayn.

Koobka Qaramada Yurub ee soo socdo ajuus Jarmalku bilbabi donna ciyaar dhexmarta iyaga iyo dariskooda Faransiiska, 10-ka fiidnimo ee15 June.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.