Xogmaal Media

40% Madowga Minnesota ayaa Iska Talaaley Kofid 19

Inkasta oo talaalka xanuunka Kofid 19 diyaar uu yahay dadkuna iska talaali karaan goobo badan, hadana tirada dadka madow iyo Latinaha (Koonfurta Amerika dadka ka soo jeedo) waxa iska tilaalay wax ka yar 40%, halka caddaanka ay iska talaaleen 57% gomolka Minnesota.

Dr. Nathan Chomilo waxa uu ahaa dhaqtar u ololeynayey sinaanta talaalka ee bulshada aan caddaanka ahayn oo inta badan aan la gaarsiin waxyaabaha ay xaqa u leeyihiin ee adeega dowlada sida tilaalkan oo kale. Dhaqatarka ayaa bishii saddexaad ee sanadkan ku doodey in ay dowladu u badiso tilaalka meelaha ay dadka aan caddaanka ahayn ku noolyihiin, maadaama uu xanuunka Koronaha iyagu ku badan yahay, marka la barbardhigo caddaanka. Ka dib hadalkiisaas ayey Wasaaradda Caafimaadka Minnesota u xilsaartey Dr. Nathan Chomilo in uu qabto howsha uu isagu ku talinayey ee ahayd in si cadaalad ah loo qaybsho tilaalka xanuunka Kofid 19.

Balse waxba iskama bedelin maanta oo ay labo billood ka soo wareegtey xilligii isaga loo igmadey arrintii uu u ololeynayey in ay dowladdu sameyso. Dr. Nathan Chomilo ayaa sheegay in ay qaadeen talaabooyin dhower ah oo ay arrintaas waxkaga bedelayeen sida in ay isticmaaleen gaadiid wareegaya oo dadka ku tilaalaya xaafadahooda jidadka saaran. Waxa kale oo uu dhaqtarku sheegay in ay shaqaaleysiiyeen turjubaanno caawiyo dadka aan af Ingiriiska si facan u aqoon. Intaas waxa dheer in ay qorsheynayaan in ay lacag ku bixiyaan qofkii istilaalabo, iyaga oo ka bixinayo raashin ay dukaamada ka soo gaadanayaan.

Arrimaha kor ku xussan ee uu sheegay Dr. Nathan Chomilo ayaa u muuqdo kuwo la halmaalo xogwaran, balse aan wali wax ka caban sinas la-aanta adeega dowladda ee bulshada madow iyo caddaanka.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.