Luise Suares ayaa dhaliyey goolkii labaad ee kooxda Atlelitico Madrid ay ka dhalisey Real Valladolid oo ku dhamaatey 2-1. Guushaas oo Atletico u soo hooyisay koobki horyaalka dalka Spain ee ayaa waxaa loo arkey aarsi uu Suares kaga ciilbaxay cayrinti kooxda Barcelino laga cayshey.
Kooxda Atletico Madrid guud ahaan iyo Luis Suares-ba waxa ay galinka hore ciyaarta soo bandhigeen jilicsanaan badan, sidaa darteedna waxaa laga dhaliyey goolkii koowaad ee ciyaartaasi. Kooxda tababare Diego Simeone oo tabar daro ka muuqatey ayaa waxaa banooniga lumiyey Yannick Carasco oo ku sugnaa qaybta hore ee garoonka kooxda Valladolid, balse weerar celis deg deg ah oo loogu jawaabey darteed kubadi gudaha goolkooda ka soo qaadey ka dib marki uu Oscar Plano shabaqa luxay.
Goolki barbardhaca ka dib ayaa 34 jirk reer Yurugwaay, Luise Suares waxa uu ka jawaabey banooni dib u soo noqdey oo uu si laacibnimo ah bidixda ku dhaliyey. Ciyaaryahankan oo caan ku ah goolal dhalinta ayaa telefishinada dalka Spain u sheegay isaga oo farxad la imeynaya, ” Barcelona ima qiimeyn, balse Atletico Madrid ay albaabada ii furtey. Barcelona waa ay iyaseen, Atletico-na waa ay i sharfeen, sidaas darteed baan abaal ugu ahayaa Atletico Madrid”.
Luise Suares waxaa ka soo ciyaaray kooxo badan oo reer Yurub ah sida FC Groningen, FC Ajax, Liverpool, Barcelona iyo Atletico Madrid. Sida oo kale waa xidig ka tirsan weeraryahanada qaranka Yurugway.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.