Labo ka mid afarta koox ee dalka Ingiriiska u safanayo ciyaaraha Champions Lauge-ga ee sanad ciyaareedka soo sodo ayaa waxaa ku guuleystey Liverpool iyo Chelsea. Manchester City oo horyaalka qaadey iyo kooxda labaadka ka gashey dalkaasi ayaa waxaa ku weheliyo kooxaha saddexda iyo afarta ka galey horyaalka Premier League.
Liverpool ayaa maalinti ugudanbeysay ee horyaalka 2 iyo 0 ku garaacdey Chrystal Palace , halka Chelsea oo 2 iyo 1 looga badiyey ay farxad la caraabeen. Nasiibka Chelsea ayaa waxa uu imaanayaa marki Leicester City 4 iyo 2 hoosta loogaliyey. Tottenham Hotspur ayaa ka adeegatey kooxdi sanadkan oo dhan sida xaragada leh uga mid ka ahayd afarta koox ee horyaalka hogaamineysay. Guuldarada Leicester ayaana farxada Chelsea dhameystirtey.
Inkasta oo xidigaha Liverpool oo uu Maxamed Saalax ku jiro ay goolal cuneen, 30 iyo dhowr daqiiqo marki la marayey ayey ciyaarti u furfurantey. Darbo koorno laga soo gamey ayaa ciyaartoyga reer Sinigaal, Sadio Mane uu tartiib goolka u xaluulshey. Galinki danbe ee ciyaarta Liverpool waxaa ay waardiyeysaneysay goolka ay ku horeyso, hasa yeeshaa Chrystal Palace oo waxkasta iskudeyda ayuu Sadio Mane markale ka xamaashey. Waxaana uu dhaliyey goolkiisi labaad oo ciyaarta 2-0 ka dhigey. Taas oo ay ciyaarti ku dhamaatey ayaa Liverpool u suurtgalisey in ay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League iyo ka qaybgalka Champions League-ga hanato.
West Ham United ayaa markii uguhoreysay ku guuleysatey in ay koobabka Yurub mid ka mid ah u soo baxdo. Kooxdan ayaa 3 iyo 0 uga badisey Southamton, sidaas la adligeed ku qortey taariikh cusub oo ay ku galeen kooxaha Ingiriiska ee koobabka Yurub ciyaaray. West Ham waxaa ay ciyaari doontaa Europa Cup.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.