Dalka Ingiriiska ayaa gabar caan ah oo dadka madow u dhaqdhaqaaqdo lagu toogtey, balse ay boolisku wali sheegin sababta loo toogtey. Sasha Johnson waa xubin ka mid ah Xisbiga siyaasada ee Taking the Initiative (Xisbiga Talada Qaado) iyo Black Lives Matter (Ururka Nolasha Dadka Madow waa Muhiim), waxaana dhaawaceedi la dhigey isbitaal ku yaalo London.
Warbixin ay soo saareen xisbiga siyaasada ee ay ka tiran tahay Taking the Initiative ayaa lagu sheegay in ay arrintan imaaneyso ka dib dhowr jeer oo loogu dhaaranayey Sasha in la dili doono. Waxayn intaas ku dareen in Sasha Johnson ay marwalba u taagneyd xaqa dadka madow. Sasha Johnson waa 27 jir hooyo ah oo saddex ilmo ah leh.
Inkasta oo aysan boolisku ka hadal arrintan ayaa hadana waxaa soo baxayo warar sheegayo in aan Sasha johnson loo toogan arrimaha la xariiro dhaqdhaqaaqa xaquuqda dadka madow. Warar aan la xaqiijin oo saaxiib aan la shaacin iyo danbi baare aan gacanta ku hayn arrintan BBC iyo The Guardian u kala sheegeen, ayaa sheegeyso in ay macquul tahay in ay ka danbeeyeen burcad ay colaadi ka dhaxeyso. Lama sheegin xiriirka burcada iyo Sasha Johnson.
Arrintan oo aysan wali boolisku ka hadal, qofna aan loo xirin ayey warbaahinta qaarkeed ku leexineysaa in ay la xariirto burcad isdagaashan oo reer London ah. Ma ahan wax cusub in marka qof madow ah wax la gaarsiiyo ay warbaahinta reer galbeedku sawir kale ka muujiso.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.