Boolis iyo Kooxaha Barakiciyayaasha Yuhuudda oo Galey Masjidka Qudus
Kooxaha Barakiciyeyaasha Yuhuudda ah ee boobka ku qaato guryaha iyo beeraha reer Falastiin ayaa xoog ku galey masjidka barakeysan ee Qudus. Kooxahan oo ay taageeriyeen ciidanka booliska Yuhuudda ayaa garaaceey Muslimiinti masjidka ku cibaadeysaneysay. Arrintan ayaa imaaneyso labo beri ka dib xabadjoojinti lagu dhawaaqey in ay ka dhacdo Qasa oo ay Yuhuuddu ku wadey duqeyn xoogan.
Falastiiniyiinti ku jirtey ayaa waxaa gacan ula tagey Barakaciyeyaasha iyo booliska Yuhuudda, sida ay ku soo waramayaan maamulka masjidka. Wakaalada wararka ee Falastiin, WAFA ayaa sheegtey in ay ciidanka Yuhuuddu si rad Sharaf ah u garaaceen Falastiiniyiin masjidka ku ciibadeysanayey si ay ugu gogolxaaraan duulaanka Barakaciyeyssha Yuhuudda ah. Wakaaladda ayaa warkeeda ku dartey in uguyaraan lix reer Falastiin ah oo meesha ku tukanayey la xirey. Dadka la xirey waxa sida oo kale mid ka mid ah shaqaalaha waardiyeeyo masjidka oo iskudayey in uu sawir ka qaado.
Ma ahan marki uguhoreysay ee ay Barakacayaasha Yuhuuddu ku soo duulaan masaajidka Qudus iyo shacabka Falastiinba. Markasta oo dhulka reer Falastiin la xoogaya waxaa gacan Weyn ka geysta booliski iyo ciidanka xoogga Yuhuudda oo si naxariis darro ah ula dhaqma shacabka taagta darran.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.