Xogmaal Media

Midowga Yurub oo Qorsheynayo in ay cunaqabateyn Dhaqaale ku soo Rogaan Belarus

Qorshe ay wadaan wadamada ku midoobey Midowga Yurub ayaa lagu doonayaa in cunuqabateyn dhaqaale lagu soo roggo wadanka Belarus oo wariye Roman Brotesivech oo dalkaasi u dhashey kala degay diyaarad hawada dalkaasi mareysay oo ay ciidamada cirka xoog ku soo dajiyeen. Wariyahaan ayaa warar lidi ku ah xukumada kalitaliska ah ee Belarus tabin jirey.

Cunaqabateynta ay qorsheynayaan Midowga Yurub ayaa ilaa hada ku saleysan arrimo dhaqaale oo labo qaybooda ah. Uguhoreyn waxa la wadaa in Belarus laga xiro suuqa ganacsiga ee Midowga Yurub oo ah kan labaad ee dalkaasi wax u dhoofsho, marka laga tago Ruushka oo ah wadanka koowaad. Belarus ayaa Yurub u soo dhoofiso sanad walba alaab gaareysa 3,9 bilyan oo lacagta Yurub ah. Dhaqaalahan ayaa u dhigma 20% ganacsiga uu dalkiisi u dirro dibadda. Qaybta labaad ee cunaqabateynta dhaqaale ee lagu wado in dhawaan lagu soo roggo Belrus ayaa ah dhanka diyaaradaha oo qaarkood hadaba dhaqangaley.

Midowga Yurub ayaa rabo in ay diyaaradaha Ganacsiga reer Yurub ay ka mabnuucaan marista hawada Belarus, islamarkaasna shirkada diyaaradaha ee dalkaasi, Belivia aan loo ogolaan imaanshaha dalalka Midowga Yurub iyo marista hawadooda. Isniinti ayaa fariin loo direy shirkadaha diyaaradaha Midowga Yurub oo lagu ogeysiinayo in aysan marin hawada Belarus, ka degis iskadaaye. Waxana ilaa iyo hada ka jawaabey shirkadahwa KLM, Air France, iyo Lufthansa oo ay kala leeyihiin Holland, Faransiiska iyo Jarmalka. Saddexdan shirkadood ayaa ku dhawaaqey in ay adeeceen amarka Midowga Yurub.

Dhaqaaleyahanka ku taqasusey ganacsiga diyaaradaha, Jaap De Wit ayaa warbaahinta qaranka Holland, NOS u sheegay in cunaqabateyntan ay qalqalgalineyso Belarus. “Waxaa adkaan doonto in la tago dalkaasi, taasna waxa ay leedahay raad sumo dhaqaale oo saameynaya Belarus”. Go-aamada cunaqabateynta Yurub ayaa qaarna ay dhaqangaleen, qaarka kalena la filayaa maalmaha soo socdo. Yurub ayaa midowgeedu uu ka soo biloowdey Suuqa dhaqaalaha oo la mideeyo si nabad waarna loo helo ka dib Dagaalkii Labaad ee Aduunka.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.