Xogmaal Media

Soomaaliya oo Doorasho u Dhaqaaqdey

Ka dib todobo billood oo isjiijiid siyaasadeed oo soo socdey tan heshiiskii Dhuusamareeb ee 17-ki Sebtembar, 2020, waxaa lagu heshiiyey in loo gudbo doorasho loo dhanyahay oo uu dalku u dhaqaaqo. Madaxda Qaranka ee Dowladda Federaalka, Maamul Gobolleedyada, Baarlamaanada iyo siyaasiyiin door weyn ku lahaa is-afgaradka ayaa isugu yimid goobta shirarka ee Afisiyoone, taas oo qayb ka gashey taariikhda dalka ayaa lagu saxiixey in doorasho la aado.

Madaxda isu timid ayaa is-cafin iyo dardaaran sidii dalka loo wadi lahaa doorashada ka dib hadalkooda ku adkeeyey. Madaxda Maamul Goboleedyo oo horey u magacaabey in Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu u hadlo ayaa ku dhamaadey in ay wadahadlaan si qof walba uu fariintiisa u dirto. Waxa xussid mudan in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland aysan salaamin Madaxweynaha dalka marki ay hadalkooda furanayeen.

Warka shirka oo dhameystirin naga filo waqti dhaw.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.