Xogmaal Media

Waayeel iyo Dhalinyaro Diidey Tilaalka Kofid 19 oo Xanuunkaas ugu Dhimanayo Mareykan

Qof kasta oo qaangaar ah ayaa lacag la-aan isku tilaali karro dalka Mareykanka, hadana dad badan ayaa u dhiminayo Kofid 19 iyaga oo qaar badan oo ka mid ah ay diideen tilaalka. Dadkan ayaa ehelada iyo qaraabadooda uga tagaya xanuun iyo isciilkaambi aysan fileyn, maadaama ay diideen in ay iska talaalan cudurkina ay u dhinteen.

Qadarta lama baajin karro, waana run marba marka ka danbeysa in ay dad badan oo Mareykan ah istilaalayaan. Balse waxa sida oo kale kordhaya dadka aan istilaaleyn sababkastaa ha ku kaliftee. Kororka tirada dadkaas ayaa iyadana kor u qaadeysa inta iof ee la dhigayo gargaarka deg dega ah ee isbitaalada Mareykanka. Xigtada dadka xanuunkan u dhimanaya ee diiday tilaalka qaarkood ayaa warbaahinta Mareykanka uga waramey xanuunka uu leeyahay qof diidey in la la tacaalo oo u dhintey xanuun looga digay.

Shanti qofba mid ka mid ah dadka Mareykanka ayaa diidaya in uu iska tilaalo cudurka Kofid 19. Taas oo ay micnaheedu tahay in ay qoysas badan oo Mareykan ah isbitaalada dad ka yaalaan, tacsiduna ay kor u sii kordheyso marka loo fiiriye tirada dadka diidey in ay istalaalaan ee Kofid 19 ugu dhimanaya wadankaasi. Lamahayo tirokoob sheegayo Soomaalida Mareykanka ee u dhimaneysa cudurka Kofid 19, balse gobollada qaar ayaa hada bilaabey in ay sii daayaan tirkoob sheegaya qowmiyadaha guud ee uu shacabka Mareykanka uu u qaybsamo sida madow, cadran iyo Aasiyaan IWM.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.