Xogmaal Media

Talaalka Kofid 19 ee Wadamada Galbeedka oo Faaiidadiisi la Dareemayo

Xanuunka Koronaha ayaa wali faro kulul ku hayo wadamo badan oo caalamka ah, balse dalalka reer Galbeedka waxaa laga dareemayaa saameynta wanaagsan ee tilaalka. Tirada dadka cusub ee xanuunka laga helayo oo hoos u dhaceyso iyo dadka la dhigayo isbitaalada ayaa aad hoos ugu dhacay todobaadyadi la soo dhaafey.

Tirada dadka u xanuunsan Kofid hoos ayey si saaid ah ugu socotaa, balse dhaqaatiirta ku taqasustey cudurada safmareenka ah ayaa ka digey in la farxo oo warkaan la soo dhaweeyo, hasa ahaatee wali aad la isu ilaaliyo. Dhaqtarad Susan van Der Hof oo u dhalatey dalka Holland ayaa sheegtey in aysan suurtogal ahayn in xilligaan la sheego taariikhda uu xanuunkan dhamanaayo ama ay nolashu dib caadi ugu soo noqoneyso. Hadalka Dhaqtaradda ayaa imaanayo ka dib marki uu Wasiirka Caafimaadka ee dalkaasi uu sheegay in 9 Sebteember ay tahay mid aad u macquul ah in Koronaha la soo afjaro.

Dhaqtarad Susan oo faah faahineyso qatarada ka imaan karto hadii qalad loo fahmo faaiidooyinka muuqdo ee uu talaalku keenayo ayaa sheegtey in uu imaan karro nooc cusub oo Korona ah, islamarkaasna ay xaalladu sii adkaan karto. Dhaqtarada ayaa sida oo kale tilmaantey in deegaano qaas ah uu markale ka dilaaci karro xanuunkan. Tirada dadka cudurka laga helayo ayaa ka soo dhacdey 15,000 oo qof iyada oo hada 10,000 hoos u dhaaftey.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.