Xogmaal Media

Duqa Minneapolis oo Joojiyey Maaski Qasabka ahaa

Maamulka Magaalada Minneapolis ayaa joojiyey sharcigi ku qasbayey dadka Minneapolis in ay maaski afka ku xirtaan. Mayor Jacob Frey ayaa sixiixay in laga bilaabo maanta oo Talaado ah uusan qasab ku ahyn bulsho weynta reer Minneapolis ee ay Soomaalidu ka mid tahay.

Duqa Minneapolis ayaa arrintan u sababeeyey in heersare laga gaarey tilaalka xanuunka Koofid 19. Xogta caafimaadka Minneapolis ayaa sheegaysa in 75% ay dadka reer Minneapolis ee 15 ka sanno ka weyn ay talaalki koowaad qaateen, iyada oo 70% ka mid ah dadkaas la filayo in ay dhameystaan taalaalka qaybtiisa labaad. Arrintan ayaa ka dhigeyso in Minneapolis ay gaartey tiradi looga baahnaa si ay joojiyaan sharciga dadka ku qasbaya in ay maaska afka xirtaan.

Duqa magaalada St. Paul ee ay mataanaha yihiin Minneapolis ayaa saacado ka dib shaaciyey in ay iyaguna wadada Minneapolis marayaan laga bilaabo berito. Minneapolis iyo St. Paul ayaa ah labo magaalo oo isku dhagan oo ay daruufahooda caafimaadka kala maarmi karin. Labada magaalabo waxaa deggan Soomaali badan oo ganacsiyo muuqdana ku leh.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.