Xogmaal Media

Koox 33 Sanno Bundeslige Ciyaareyso oo Horyaalka Labaad Aadey

Schalka 04 oo 30 sanno Bundesliga ka ciyaareysay ayaa ka hortey horyaalka koowaad ee dalka Jarmalka. Haritaanka Schalka 04 ayaa lagu sheegay arrin mudo isa soo tareysay oo aan ku ekeyn ciyaar ee ay eersatey qorsho xumo, kofid 19 iyo awood hal nin ah ku aruurtey.

Schalka 04 waxa ay leedahay 160,000 oo taageerayaal diiwaangashan ah, taas oo ka dhigeyso kooxda labaad ee Jarmalka ugu weyn. Todobo jeer ayey kooxdan qaadey horyaalka Jarmalka, waxaana soo marey ciyaartooy aad caan uga noqdey aduunka. 2018 waxaa ay Schalka 04 ay ka mid ahayd kooxihi ku tartamayey qaadista horyaalka Bundesliga, halka ay 2011-kii ay ka mid ahaayeen afartii kooxood ee isugu soo harey Champions League.

Goaamada la gaarey ee kooxda lagu soo hagey 15-kii billood ee u danbeysay ayaa qof madaxda ka mid ah oo aan magaciisa shaacin ku sheegay, qalad lagu saxay, qalad oo lagu saxay qalad kale. Qasaaro $258 ka badan ayaa lagu galey tababare aan waayo arragnimo lahayn. Maamul xumada gudoomiyaha ka sakoow kooxda Schalka 04, Tonnies waxaa lagu eedeeyey in uu cusuriyad ku dhaqmey. Tonnies ayaa la sheegay mar uu ka hadlayey xaflad loogu gogol xaarayey warshad koronto ayuu yiri, “Warshadan waxa ay ku fincan tahayyül in Afrikaanku ay joojin doonan isfuulista marka ay qoraxdo dhacdo”.

Schalka 04 in ay horyaalki labaad aadey waxaa ay xanuujisay dad badan oo ka baxsan dadka degan degmada ay ku taal ee Gelsenkirchen, Jarmalka, Yurub iyo dunida oo dhan.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.