Xogmaal Media

Tafaftire Sare oo Shaqadiisa ka Tagey ka dib Markii la Daabacay in uusan Dhaqtar Cunsuri ah Jirin

Tafatirihi ugu sareeyey wargeyska caafimaadka ee Mareykanka, (Journal American Medical Association), ka dib marki uu wargeysku daabacay cod sheegayo uusan jirin dhaqtar cunsuri ah. Howard Bauchner oo fasax ku maqnaa mudo labo billood ayaa ka biyodiidey codkan (Podcasting) oo hadalhayn badan ka dhaliyey warbaahinta bulshada.

Howard Bauchner oo toban sanno iyo dheeraad tafaftir ka ahaa wargeyskan caanka ah ayaa aqbali waayey in cunsurinimada hadalka laga saaro, taasna ay dhalin karto qatar aad u weyn. Edward Livingston oo ah tafaftire kale oo kaalin sare kaga jirey madaxda wargeyska ayaa ogolaadey in la sii daayo codkaasi. Edward Livinston ayaa yiri, “Waxay ila tahay hadi aan suaasha cunsurinimada ka saarno hadalka in ay caawineyso caafimaadka”. Isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu yiri, “Dad badan oo aan anigu ka mid ahay ayaa ka caroodo iskudeyga ah in ay cunsuriyad jirto”. Edwar Livingston waxaa ka tagey wargeyska bishaa labaad ee sanadkan, ka dib markii la siidaayey codkan.

Ma ahan marki uguhoreysay oo ay dadka qaar iskudayaan in ay inkiraan cubsurinimada nidaamka ku dhexdhisan. Horey ayaa loo diidanaa in ay hay-addaha amiga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo caafimaadkaba ka jiraan cubsurinimo. Balse barba marka danbeyso ayaa la soo saarayey cadeymahan. Sida oo kale arrintan ma ahan wax mid midab oo kaliya ku saleysan ee waxaa ay quseysaa haweenka iyo bulshada kale ee laga awooda badan yahay.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.