Xogmaal Media

Xeerilaalinta Minnesota oo Dalbatey 30 Sanno in la Xiro Ninki Diley George Floyd

Dacwadi ka dhanka ahayd Derek Chauvin oo ahaa ninki sida foosha xun ugu diley George Floyd magaalada Minneapolis ayaa wixi danbi ahaa oo lagu soo eedeeyey lagu helay bishii afraad ee aanu soo dhaafney, waxa uu hada sugayaa xukunki uu mudan lahaa. Xeerilaalinta ayaa dalbaneysa in 30 sanno la xiro danbiilahan.

Dhanka kale, qareenadiisa ayaa dalbanaya in aan la xirinba oo ganaaxyo loogu ekeeyo maadaama uu waajibaadkiisa gudanayey ula kacna ka ahayn danbiga uu galey. Derek Chauvin ayaa sanadki hore diley George Floyd oo nin madow ahaa ka dib marki uu isaga oo katiinadeysan, xabadkana dhulka u yaalo uu qoorta jilibka kaga hayey waqti dheer. George Floyd ayaa ku qaylinayey ma dheefsan karo iyo erayo ay ka mid yiihiiin hooyo waan ku jecelahay. Eraygan danbe ayuu George Floyd la wadaagey madow badan oo booliska Mareykanka gacantooda ku baxay in uu noqdo eraygi ugu danbeeyey ee ay dhahaan.

Mudaaharaadyo badan ayaa ka dhacay Mareykanka geesihiisa kala duwan, qaasatan gobolka Minnesota oo ay magaalada Minneapolis ka mid ahayd meelihi sida ba’anaa u gubtey. Mudaaharaadyadan iyo habkii loo diley George Floyd ayaa noqdey mid ku qasbey gollaha deegaanka Minneapolis in ay bedelaan habka uu boolisku Minneapolis u dhisan yahay.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.