Xogmaal Media

Xeel-dheerayaasha Caafimaadka ee Mareykanka oo Walaac Kofid 19

xilli loo diyaargaroobaye maalinta xoriyada ee Mareykanka ee July 4 oo ay dad aad u badan isu soo baxaan si ay u dabaaldegaan, ayaa waxaa muuqato in aan laga gaareyn qorshaha Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ee ah in la talaalo 70% dadka qaan gaarka ah ee Mareykanka ah. Culamada caafimaadka ayaa sheegay in ay qatar weyn ka soo socoto maalinta xoriyada.

Bishii afraad ee sanadkan waxaa maalinti Mareykanka iska talaali jirtey 3.3 Milyan oo qof, halka ay hada hoos ugu dhacdey Milaan iyo wax yar. Taas oo muujineyso in aan laga gaari karin qorshaha Madaxweynaha. Dr. Anthony Fuci oo ah Agaasimaha Hay-adda Qaran ee Mareykanka ee Cudurada faafa ayaa yiri in sida ugu wanaagsan ee laga hortagi karro faafida Koofid 19 iyo dhaqaale xumo horleh ay tahay in la istalaalo. Dhaqtarka oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri, ma dhamaan, mana dhamaanayo isago oo ka hadlayo xanuunka Karonaha.

Dhaqtar Anthony ayaa walaac ka muujiyey hadii dadku aysan isu talaalin sidii la rabey ay macquul tahay in uu xanuunku isbedel sameeyo oo intii talaalneydna uu ku dhaco, taas oo dhib weyn ku noqoneyso Mareykan iyo dunida oo dhan.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.