Xogmaal Media

Kanada: Qoys Muslim ah oo Gaari lagu Diley

Afar ruux oo ka tirsan qoys Muslim ah oo Bakistaan ka soojeedo ayaa lagu diley magaalada London ee gobolka Ontario, Kanada. Nin dhalinyaro ah ayaa gaari uu watey dardarsiiyey reerkan oo xilli qoraxdhac ah lugeynayey. Booliska magaalada London ayaa sheegay in reerkan loo laayey diintooda darteed, waxa uuna danbiga dhacdadan noqonayaa mid hoos imaanayo sharciga naceybka ayey yiraahdeen.

Afar qof oo isugu jirey nin, ooridiisi, gabar ay dhaleen iyo hooyadi dhashey aabihi reerka ayuu gacan ku dhiigluhu hal meel ah ku laayey. Wiil yar oo madi sidaas ku noqdey ayaa reerkaas ka bedbaadey. Salman Afzaal waxaa uu ahaa 46 jir ay dariskiisu ku sheegeen nin wanaagsan oo danta reerkiisa iyo tan bulshadaba ka shaqeeyo. Madiha Salman oo xaaskiisa ahaydna waxa ay ahayd 44 jir, iyo gabadhooda Yumna Afzaal oo 15 jir ahayd. Intaas waxaa dheer hooyada dhashey Salman Afzaal, oo 74 jir ahayd.

Booliska oo sheegay in ninki dilkan gaystey ay ku qabteen meel 10 daqiiqo u jirto goobti uu reerka ku laayey, uu horey u qorsheeyey in uu reerkan laayo. Laynta qoyskan Muslimiinta ah ayaa hoosta ka xariiqeysa cabsida ay muslimiinta Kanada ka qabaan nacaybka sii kordhaya ee dalalka reer galbeedka, qaasatan Kanada.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.