Xogmaal Media

Hogaamiye Xisbi Mucaaradka Kanada ah oo la Xirey

Hogaamiyaha Xisbiga Dadka ee dalka Kanada, Maxime Bernie ayaa la xirey ka dib marki uu jabiyey sharciga xakameynta gobolka Manitoba ee dalka Kanada. Maxime Bernie ayaa ka qaybgaley dibadbax looga soo horjeeday xakameynta cudurka Kofid 19.

Maxime bernie oo hogaamiyo xisbi xagjir ah oo aaminsan siyaasad soogalooti nacayb ah, balse dal jaceyl iskuqaraniyo ayaa la xirey mar uu ka tagayey dibadbax lagu qabtey magaalada St-Pierre-Jolys oo koonfurta ka xigto Winnepeg oo ah caasimada Manitoba, isaga oo doonayey in uu ka qaybgalo mudaaharaad kale oo magaalo u dhow ka dhacayey.

Ciidanka booliska Kanada ee RCMP-da loo yaqaan ayaa xaqiijiyey in ay xireen Maxime Bernie, hogaamiyaha Xisbiga Dadka ee Kanada uu maxkamad hortagayo. Afhayeenka RCMP-da gobolkaas ayaa sheegay in ay shaqadoodu tahay fulinta sharciyada gobolka Manitoba oo uu ku jiro sharciga xakameynta Karonaha. “Mudane Bernie waa uu ogaa sharciga caafimaadka, waxaa uuna haystey ganaax. Sii wadista jabinta sharciga caafimaadka ee Manitoba ayaa keenay xarigiisa, maxkamad ayuuna hortagi doonaa, ayuu yiri Tara Seel.

Xisbiga Dadka ee Kanada waa mid dhanka middigta fog ah oo uu aas aasey hogaamiyahan la xirey ee Maxime Bernie ka dib markii uu ku guuldareystey hogaanka Xibiga Jamhuuriga ee Kanada sanadkii 2018-kii. Maxime Bernie waxa uu ka qaybgaley doorashadi u danbeysay ee Kanada oo uu ku guuldereystey in uu hal kursi ahna ka helo baarlamaanka Kanada.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.