Nin Dhurbaaxey Madaxweynaha Fransiiska

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa isaga oo shaley dad kula kulmayey goob banaan ah xilli uu cagabaxsanyey waxa dhurbaaxey nin dhalinyaro ah oo hada la la xariirinayo in uu gacan saar la leeyahay kooxo xagjir ah.
Booliska Faransiiska illo laga soo xigtey ayaa xaqiijiyey in Damien Tarel oo 28 jir ah uu ahaa ninki shaley dhurbaaxey madaxweynaha dalkaasi, hadana uu wali ku jiro gacanta booliska isaga oo baaritaan uu ku socdo. Warbaahinta Faransiiska ayaa baaritaano ay sameeyeen waxaa ay ku ogaadeen in ninkan oo 28 jirka ah uu ku taxan yahay dhowr Youtube oo ay ururada xagjirka ah leeyihiin.
Damien Tarel wax danbi ah horey uma lahayn, marki maxkamad la horkeenayna waxa uu sheegay in uusan horey ugu soo talogalin in uu madaxweynaha dhurbaaxo balse ay ka dhalatey xilli gaaban oo ay shucuurtiisu kacsaneyd. Hadii lagu helo danbiga lagu eedeeyey ee ah u gacanqaadid shaqaale dowladeed, waxaa uu wajahayaa xariga gaarayo afar sanno iyo ganaax dhan 55,000 oo doollarka Mareykanka ah.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.