Waxaa billoowdey koobka Qaramada Yurub oo sanad iyo dheere ka dib dhacaya xilligii loogu talogaley xanuunka Karonaha dartiis. Ciyaartii uguhoreysay ayaa waxa ay Roma ku dhexmartey Talyaaniga iyo Turkiga oo 3-0 ku dhamaatey. Waana markii ughoreysay ee ay qaranka Talyaanigu 3 gool dhaliyaan taariikhda Koobka Qaramada Yurub.
Talyaaniga oo u soo bixiwaayey ciyaarihi aduunka ee 2018-kii ayaa hada muujiyey carcar cusub. Marka laga tago in ay saddex gool dhaliyeen, waxa ay soo bandhigeen ciyaar macaan oo rajo muujineysay. Turkiga ayaa dhankooda laga dareemayey tabardaro aad u weyn. Ciyaartaas furtiaanka waxaa xigiya saddex ciyaar oo dhex maraysa Wales-Iswiirsarlaan, Denmark-Finlaan iyo Biljim iyo Ruushka.
Ciyaaraha Qaramada Yurub ayaa sanadkan ka dhicidoono wadamo kala duwan.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.