Xogmaal Media

Shiinaha oo u Hanjabey Wadamada Warshadaha ku Horamarey, G7

Dalka Shiinaha ayaa si adag ula hadley wadamada warshadaha ku hormarey ee G7 loo yaqaan. Dowladda Shiinaha ayaa war ay siideysay ku sheegtey in aysan wadamadaas todobada ah goaan u gaari karin dunida. “xilligi wadamo yar yar oo isutagey ay goaamo masiiri ah ka gaar jijen dunida waa ay dhamaatey”, ayey warbixin ku sheegeen. Shirka wadamada G7 ee sanadkan ayaa ku soo gabagaboobeyo magaalada Cornwall ee dalka Ingiriiska.

Hadalkan ayaa imaanayo ka dib marki wadamada G7, Mareykan, Kanada, Jarmalka, Faransiiska, Talyaani, Ingiriiska iyo Jabaan ay goaansadeen in ay si wadajir ah uga soo horjeestaan Shiinaha. Colaadinta ay wadamadan u qabaan dalka Shiinaha ayaa ah iyada oo uu dalkaasi wax ka bedelay habka ganacsiga iyo xiriirka caalamiga ee wadamada soo korayo iyo kawa horumarey. Ganacsiga iyo xiriirka uu shiinuhu la leeyahay dunada soo koreyso ayaa isubedelay itus oo itaabsii, halka ay wadamada horumarey ee G7-tu ay uguhoreeyaan uu waxtarkoodi noqdey qaan aan qoyn dalalki ay taageereen.

Shiinaha ayaa tan iyo 2013-kii waxaa uu dunida soo koreysa ka fuliyey mashaariic waaweyn oo loogu magacdarey Jidka Cusub. Mashaariicdaas ayaa waxa ka mid dhismo wadooyin waaweyn oo dalal ama dalka dhexdiisa la isaga goosho, wado wadne ah oo magaalooyinka waaweyn xaafadahooda isku xirto iyo dekado caalami ah. Mashaariicdan ayaa Afrika aad uga muuqdo, qaasatan wadamada dariska nala ah ee Kenya iyo Itoobiya. Tareenka isku xira Jabuuti iyo Addis Ababa iyo midka Bombaaso iyo Nayroobi ayaa tusaale u noqon karo tilaabada maalgashi ee uu Shiinuhu dunida ku sameystey.

Dhanka kale, Shiinaha ayaa wadamadan ka qaato macdan qaali ah oo uu si fudud ama raqiis ah u daldalsho. Waxa kale oo uu saameyn ku yeeshay goaamadooda golayaasha caalamiga ah iyo xiriirka caalamka. Taas oo dhaqaale ahaan iyo saameynta dunidaba galaangal fiican u siisey. Hanjabaada Shiinaha iyo goaanka G7 ayaa la dhowrayaa sida uu ficil ahaan u dhaqangeli doono billaha soo socdo. Waxaa la tuhusan yahay in ay wadamada qaar, sida Jarmalka ay danno gaar ah ku qabaan ganacsiga Shiinaha oo ay ilaa had meermeerin doonaan dhaqangelinta balanta G7.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.