Tan iyo marki uu xukunka dalkaasi la wareegay xisbiga xagjirka ah ee dhanka middig u janjeero ayaa waxaa soo badanayo dilalka ay booliska ku lugleeyihiin ee loo gaysanayo dadka madow ee dalkaasi Baraasiil. Bishi hore ayaa ugudanbeysay marki ay booliska dalkaasi 28 qof ku dileen howlgal ay fuliyeen.
Xeel-dheerayaasha amiga ayaa walaac ka muujinayo kororka weerarada booliska Baraasiil oo intooda badan ku dhacayo dadka madow ee dalkaasi. Madaxweynaha xagjirka ah ee Baraasiil, Jair Bolsonaro ayaa lagu eedeynayaa xasuuqa lagu wado dadka madow. Hay-addaha xaquuqda aadanaha u doodda ayaa sheegay in hayaan cadeymo ku filan in boolisku oo si ulakac ah u laynayo dad isu dhiibey iyo kuwo aan qatar ku ahayn askarta.

Guud ahaan dilalka ay ciidanka boolisku ka gaystaan dalkaasi Baraasiil ayaa aad u kacay, waxa dowladda lagula taliyey in ay aruuriso, dadweynahana la wadaagto tirada dadka ay askarto disho iyo sababtaba. Sanadahi tagey waxa ay boolisku dileen magaalada Rio 19% dadki ku dhintey, halka magaalooyinka qaar ay gaarayaan 59%. Guud ahaan booliska dalkaas ayaa sanadki 2019-ki dilley 5,804 oo qof.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.