Wasiirka Koowaad ee xukumada Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xaley isbitaal Madiino ku booqdey dadki ku dhaawacmey qaraxi shaley ka dhacay Xamar. Qaraxaas oo ay ku dhinteen 20 dhalinyaro ah oo askarinimo qoraneysay ayaa degmada Wadajir ka dhacay.
Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa mid mid ula kulmey dhalinyarada dhaawaca ah oo gaarayo ilaa iyo sodon. Wasiirka Koowaad ee xukumada ayaa dhalinyarada u balanqaadey in dowladdiisu ay dadaal dheeri ah ku bixineyso sidii ay ku heli lahaayeen daryeel caafimaad oo ku filan. Kulanka dhaawacyada ka dib ayuu Mudane Maxamed Xuseen Rooble tacos u direy qoysaski ay ka geeriyoodeen dhalinyaradi qaraxa ku dhimatey iyo umada Soomaaliyeedba.
Al Shabaab ayaa sheegtey masuuliyada weerarki shaley.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.