Sarkaal sare oo shaley ka hadley magaalada Jineefa ee dalka Iswisarlaan ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaalada Koronaha ee qaarada Afrika. Sarkaalkan ayaa sheegay marka laga fiiriyo tirada dadka cudurka qaadayo iyo kuwa u dhimanayaba ay aad u yar yihiin, balse aysan taas xogtan dhabtabah ahayn.
Sarkaalkan ayaa sheegay in tirada dadka xanuunka uu ku dhacayo ee ay Afrika ka tahay 5%, halka dadka u dhinteyna ay dhanyihiin 2.2%. Balse waxa uu sheegay in ay badan yihiin dadka aan la baarin ee cudurka uu ku dhacay.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.