Xogmaal Media

Maalinti Xoriyada Madowga Mareykanka oo Maalin Fasax ah laga Dhigey

Dowlada Mareykanka ayaa maanta ku dhawaaqdey in June 19 ay tahay maalin ka mid ah maalmaha fasaxa ah ee Mareykanka. Mareykanka ayaa mudo la daaladhacayey taariikhda isqilaafsan ama isdiidan ee dalkaas ka dhacadey, lana dhihi karro wali wey qormeysaa. Tilaabada maanta ayaa lagu tilmaamey in ay taariikhi tahay.

Kooxaha u dhaqdhaqaaqo maalintan June 19, 1865 oo ahayd maalinti madow lagu adoonsanayey Galveston, Texas loo sheegay in ay xor yihiin, ayaa filayey in ay imaaneyso in 19 June lagu darro maalmaha fasaxaha ee Mareykanka. Waxa ay sabab ugu dhigeen filashadooda in gobollo badan oo Mareykanka ah ay mar hore fasax ka dhigeen June 19. Saddex sanno ka hor ayey ahayd marki Madaxweynihi Mareykanka uu saxiixey mabnuucista adoonsiga dadka.

Warbaahinta iyo siyaasiyiinta middigta fog ah ee Mareykanka ayaa arrigtada iyo goaanka ku saabsan June 19 in taariikhda lagu darro fasaxa ay u arkaan wax aan la aqbali karin. Uguyaraan xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa shaaciyey in uu diidmo ku codeyn doono.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.