Sharcidajiyeyaasha iyo Ganacsato Mareykan ah ayaa carro ka muujiyey goaanka dowladda Kanada ee ah in uu xuduudku xirnaanayo ilaa 21-ka bisha 7-aad. Qaar ka mid ah sharcidajiyeyaasha Mareykanka iyo shirkado dalxiis oo Mareykan ah ayaa culeys ku saarayo dowlada Kanada in ay bedasho sharciga xakameynta Koofid 19, si uu ganacsigu u neefsado, balse Raysul Wasaaraha dalkaas, Justin Trudeau ayaa ku adkeysanayo goaankaas.
Raysul Wasaare Justin Trudeau ayaa sheegay ilaa iyo inta 75% dadka qaangaarka ah ee Kanada ay ka qaadanayaan tilaalka koowaad iyo 20% tilaalka lambada uu xuduudku xirnaanayo. “Xitaa qofka qaato labada talaalba, waxaa uu u gudbin karaa xanuunka Koronaha mid aan talaalneyn’, ayuu yiri, Raysul Wasaaraha Kanada. Asaga oo hadalkiisa sii wato ayuu raaciyey in ay masuuliyadooda koowaad ay badqabka dadka Kanadiyaanka ah.
Siyaasiyiinta u ololeeya furista xuduudka u dhaxeeyo Mareykanka iyo Kanada ayaa carro ka muujiyey xakameyntan oo ay jeclaayeen in la qafiifiyo ama mesaba laga saaro. Brain Higgins oo ka tirsan Aqalka Mareykanka ayaa yiri, “Awood darida ah in labada dowladoodba ay godan ka gaarwaayaan furitaanka xuduudka ma ahan wax la aqbali karro”.
Xirnaashaha xuduudka lambada dal ee ku aadan xakameynta Koronaha ma saameyn ganacsiga alaabaha, balse warbixin ay siidey Wakaalada Adeega Kanada ayaa sheegtey in ganacsigi dhoofinta ee u dhaxeeyey labada uu hoos u dhacay 17.7 sanadki 2020-ki, halka kan soodejintana uu hoos u dhacay 24%.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.