Maxkamada sare ee Mareykanka ayaa goaan ay ka gaartey baabi-inta sharciga Obamacare ee danyarta ka caawiya caymiska caafimaadka ku badbaadisey. Sharcigan oo Madaxweyne Barack Obam iyo Joe Biden oo xilligaas ku xigeenkiisa ahaa ay sameeyeen ayaa waxa ku duullaan ah inta badan Xisbiga Republican-ka iyo taageerayaashiisa, waana qodob ka mid ahaa wixi uu ku ololeeyey Donald Trump sanadkii 2016-ki
Dacawadan mudo dheer socotey oo ay wadeen siyaasiyiinta xisbiga middige ee Republican-ka iyo maalqabeeno taageero ayaa ku soo dhamaatey diidmada inta badan garsoorayaasha 9-ka ah ee Maxkamada Sare. Todobo ka mid ah qaaliyada ayaa u codeeyey in aan la baabi-in sharcigan oo dad badan oo Mareykan ah ay ku tiirsan yihiin. Dhowr ka mid ah garsoorayaasha middige oo ay ka mid yihiin labadi u danbeysay ee uu magacaabey Donald Trump, Amy Coney Barett iyo Brett Kavanaugh ayaa u codeeyey diidmada in la joojiyo Obamacare.
Sharciga Obamacare ayaa marka laga tago in uu masaakiinta u sahlayo caymis caafimaad, waxaa uu kale oo uu hirgaliyey xakameynta nidaamka caymis ee ka jirey Mareykanka oo horey nooc gumeysi ah dadka u haystey. Sharcigan ka hor waxa ay caymisyadu diidi jireen in ay lacag ka bixiyaan xanuunka ka dhasho jiro uu qofkan horey u qabey, iyaga oo mararka qaarna diidi jirey dadka xanuunada qaar qaba in ay caymiska gashaan. Shirkado, maalqabeeno iyo gobollada qaar ayaa sharcigan aad uga soo horjeestey.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.