Xogmaal Media

751 Qabuuro aan Calaamadeysnayn oo laga Helay Dugsi Caruurta Abogaaga Kanada lagu Hayn Jirey

Qabuuro aan calaamadeysneyn oo gaarayo qiyaastii 751 ayaa laga helay mid ka mid ah dugsiyadi ay caddaanka Kanada ku hayn jireen caruurta Abogaaga, (dadki loogu tagey dhulka) magaalada Marieval ee gobolka Saskatchewan, Kanada. Nabadoonada labo qowmiyadood oo ka mid ah kuwa Abogaaga ee deegaankaas ayaa warsaxaafadeed ku faahfaahiyey dhacdadan naxdinta leh.

Qabuurahan la helay ayaa ah kuwii labaad oo mudo kooban laga helayo dalka Kanada oo isagu dhowrsanadood ka hor un qirtey qaar ka mid ah gaboodfaladi lagula kaçay Abogaaga Kanada, qaasatan caruurti reerahooda laga qaatey si loo dhaqangediyo, waa side u dhigeene. Caddaanki dalkaasi qabsadey ayaa ilmo yar yar xoog uga gurtey waalidiinti dhaley, kuna xareeyey xerooyin ay Kaniisaduhu maamulaan iyaga oo uga danlahaa in ay ay ilbixiyaan, sida ay u arkeen. Micnaha afka, dhaqanka iyo diimaha ay Abogaagu lahaayeen in laga tirtiro. dhibaatadaas xoogga leh ayaa waxaa u weheliyey dil, kutsi iyo kalafogeyn ilamaha walaalaha ah oo aan dib danbe isu helayn maadaama magacyo cusub la siinayey.

Xilliga Dugsigan Marieval

Dugsiga Marieval ee ah midka hada laga hela qabuurahan ayaa la aasaasey 1898-di, waxaana maamulayey kaniisad mahdabta Katooliga ah. 1901-di ayey dowladda Federala ee kanada billoowdey in dhaqaalo ku bixiso dugsigan sida ay u yaqaaneen lagu carbiyeeyo ilamaha Abogaaga. Sanadki 1960ki ayey Kaniisada Katooligu ka fujisay calaamidihii Kaniisada dugsigan. 1969-ki waxaa la wareega dowladda Federaalka ee Kanada. Abogaaga deegaankaas ayaa lagu wareejiyey 1987-di. Sanadki 1996-dina aaa la dumiyey.

Magaalada Kamploops ee gobolka British Columbia oo isna dhaca galbeedka Kanada ayey ahayd meeshi dhawaan laga hela qabuuro wadareedyo caruur Abogaa ah oo geeridooda iyo aaskooda aan midna cidna lala wadaagin. Dhibaatooyinki loo gaystey dadkii loogu yimid Kanada ee ay caddaanku dhulka ka xoogeen ayaa maalinba maalinta ka danbeyso soo baxaysa.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.