Bishii shanaad ee sanadkan ayaa waxa dunida qabsadey war ku saabsanaa hooyo 10 cunug halmar ah ku dhashey dalka Koonfur Afrika. Warkan ayaa waxaa siidaayey warbaahin badan oo caalamka ah iyo kuwa Soomaalidaba. Hasa ahaatee, waxaa isa soo tarayo in warkaasi uu ahaa been abuur si ulakac ah loo sameeyey.
Warkan ayaa ka soo billoowdey Bretooriya, caasimada Koonfur Afrika, waxaana soo gudbiyey tafaftire ka shaqeeyo wargeyska, The Pretoria News. Ilaa iyo hada lama hayo hoyadaas iyo caruurtiba midna. Wariyaha warka soo tabiyey ayaa baaritaan ka dib sheegay in uusan la kulmin hooyada cariuurta dhashey xilligii umusha, maadaama uu xanuunka Kofid 19 xadidayey. Waxa uu xogta ka helayey aabaha caruurtaasi oo aan isaga laftirkiisu isbitaalka tagin. Warka waxa uu ahaa mid fariin qoraal ah ay umushu odeygeeda kula wadaageysan, halka uu isna u soo gudbinayey tafaftiraha wargeyka Bretooriya oo ahaa wariyaha warkan soo bandhigey oo ilaa iyo hada ku adkeysanayo in uu warkaasi sax yahay.

Baaritaan lagu sameeyey isbitaallada Bretooriya ayaa lagu ogaadey in aysan jirin wax cadeynayo in ay haweenay 10 cunug ku dhashey mid ka mid ah isbitaalada magaalada. Ururka Suxufiyiinta Koonfur Afrika, waaxda tafaftireyaasha iyo hay-addo badan ayaa canbaarey sida ay wax u dhaceen ee been abuurkan loo faafiyey. Wargeyska Bretooriya ayaa isagana cudurdaar sameeyey iyaga oo yiri, “Habka sheegada loo tabiyey wax ayaan ka bedelilahayn, qaasatan qaybta hubuinta’.
Wax hubby ah oo la sameeyey ma muuqato.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.