Ka dib diyaargarow dheer oo shacab iyo dowlad ba leh, waxaa xaley ilaa maanta dalka iyo dibadaba ka socdo dabaaldage maalinti xoriyada ee 26 Juun oo billaabasho u ah todabaadka xoriyadda Soomaalida. Hadaba sidee looga xusey deegaanada Soomaalida.
61 sanno ka hor ayey ahayd marki uguhoreysay ee looga dabaaldagey gayiga Soomaalida calankii uguhoreeyey ee ay Soomaali xor ah yeelato. Beerta Xoriyada ee magaalada Hargeysa ayaa aad la isugu soo baxay oo dabaaldag suugaan dhaxalgal noqotey lagu soo bandhigey. Wixii intaas ka danbeysay xalkey iyo maanta oo kale Soomaalidu waxa ay u ahaayeen maalmo farxadeed oo taariikhdaas lagu soo dhaweeyo.
Xamar

Maalmihi aanu soodhaafney ayaa dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadirba waxa ay wadeen diyaargarow ay qayb ka ahayd qurxinta magaalada, iyo xaflado ay ka mid ahaayeen calansaarka uu Madaxweyne. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee xaley saqdi dhexe, casho sharaf ay ka soo qaybgaleen indheergaradka iyo siyaasiyiin caan ah iyo Madaxweynaha oo ubax dhigey taallada Dhagaxtuur.
Xaley habeen barki ayaa Xamar waxaa ka billoowdey riditaanka waxyaabaha ifa ee buulaleyrka loo yaqaan. Dadka qaar waxa ay u soo baxeen meelaha taaga ah ee xaafadahooda ka ag dhow, halka qaarna ay tageen goobo caan ah oo ay si fiican uga daawan karraan buullaleyrka. Saakey ayaa dhamaan magaalada waxaa laga dareemayaa farxada maalinti 26-ka Juun.
Hargeyso
Meelaha sida weyn logga dabaaldagey waxaa ka mid ahaa magaalada Hargeyso oo aan labo sanno ka hor looga dabaaldagi Jirin 26-ka Juun. Tan iyo 1991-di, waxaa maamulka Soomaaliland uu xoogga saari jirey 18-ki May, 26-ka Juunna hoos ayaa loo dhigi jirey. Hasa ahaatee xaley iyo maantaba waxa la muujiyey dabaaldeg ka sii weyn kii sannad ka hor. Xaflad balaaran oo uu ka qaybgaley Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu qabtey Hargeyso, waxaana laga soo jeediyey qudbado ka faaloonaya micnahas 26-ka Juun.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.