Xogmaal Media

Booliska Kenya oo Xirey Labo Qof oo lagu Tuhunsan yahay Afduub Gabar Soomaaliyeed

Booliska magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, gaar haan qaybta dabagalka ayaa sheegay in ay xabsiga dhigeen labo qof oo ka mid ah dadki ay ku tahansanaayeen afduub loo gaystey haweenay ganacsato Soomaaliyeed ah, Xafsa Maxamed Luqmaan.

Xafsa Maxamed ayaa la laa mudo shan maalmood ah, balse waxa walaac xoogan ku dhaliyey eheladeeda marki burcadi afduubatey ay dalbadeen 50,000 oo Doollarka Mareykanka ah. Ciidanka ayaa soo badbaadiyey Xafsa, balse maanta ayey sheegeen in la labadii qof ee u horeysay dadki ku luglahaa afduubkeedqa la qabtey. Jackson Njuga oo 24 jir ah iyo Hafsa Cabdi oo 21 jir ah ayaa la rumeysan yahay in ay ahaayeen hogaanka kooxda falkan ka danbeysay. Booliska nayroobi ayaa intaas ku darey in labadan ay dhibanaha ka qaateen lacag gaareysa 65,000 oo Doollarka Markeykanka ah intii ay haysteen.

Dilka, afduubka iyo jirdilka ganacsatada iyo gabdhaha Soomaaliyeed ayaa aad ugu soo badanayo Nayroobi, iyada oo aan wali la xaqiijin in ay tahay arrin ay ku lugleeyihiin sirdoonka Kenya oo ay dad badan oo Soomaaliyeed farta ku fiiqayaan.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.