Wiil dhalinyar oo madow ah ayaa waxa lagu xirey danbi la aan sida ku cad warbixinta askarigi xirey uu qorey. Hasa ahaatee, hadalhaynta ugu weyn waxa ay ka dhalatey habdhaqanka askariga marki uu wiilkan xirayey iyo goobta uu ku xirey.
Wiilkan oo 16 jir ah ayaa u socdey gabar ay sheekeystaan marki uu askarigan soo dabogaley ilaa uu ka gaarey gurigi uu u socdey ee gabadha ay sheekadu ka dhaxaysay. Halkaas ayuu askarigu kula hadlayaa wiilka, isaga ku dhufanayo bistoolada Korontada ah ee afka Ingiriiska lagu yiraahda, Taser. Kristina Rodeman oo ah hooyada wiilkan ayaa rumeysan in wiilkeeda midabtakoor lagu sameeyey, waxaase ka marqaati kacayo qoraalka askari falkan xun sameeyey. George Smyrnios warbixintiisa ayaa waxa ku qornaa: “Waxan arkey cunug qabo dhar laga shakinayo, sarwaal iyo funaanad koofi leh oo madoow”. Askariga ayaa qoraalkiisa ku sii muujiyey shakiga uu wiilkan ka qaadey: “Habdhaqankiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa ayaa iila ekaatey tuug. Waxaa uu u ekaa qof wax soo xadey ama soo xadi raba.” ayuu warbixintiisa ku qorey.
Derek Tyler oo ah Qareenka wiilkan oo magaciisa lagu koobey Jack maadaama uu 18 jir ka yar yahay, ayaa sheegay in ay adagtahay in muuqaalka laga garto inta jeer ee bistoolada korontada ah lagu dhuftey Jack, balse uu dhibanuhu shegay in afar jeer lagu dhuftey. Hasa ahaatee, Qareen Derek Tyler waxaa uu sheegay in aysan cudurdaar lahayn awooda uu isticmaaley askarigan. Wuxuuba intaas ku darey in ay jirdil u dhiganto.
Brain Higgins oo horey u ahaan jirey taliye boolis ee gobolka New Jersey ayaa sheegay in muuqaalka uu muujinayo suaalo badan oo habdhaqanka askariga ah, iyo in aan loo baahneyn isticmaalka bistoolada korontada ee uu isticmaaley. “Bistoolasda korontada ah waxaa loo soo saarey si aan loo isticmaalin xabada waxdishu, balse looma soo saarin in lagu dhaqangaliyo amarada askariga”, ayuu yiri John Jay oo sharciga ka dhigo Jaamacadda City of New York.
Jack waxaa uu ku xiran yahay xabsiga dhalinyarada, waxana haya dhabar xanuun uu ka qaadey marki uu u dhacayey bistoolada korontada ee lagu dhuftey. Booliska oo ka tirsan yahay askariga falkan gaystey ayaa diidey in ay wares siiyaan warbaahinta Mareykanka. Waxa ay sheegeen in ay iyagu baaritaan gudaha ah Wadaag, aynan ka hordhici karin baaritaankaas.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.