Xogmaal Media

Dhowr Magaalo oo Kanada ah ayaa u Joojiyey Dabaaldage Maalinta Xoriyada ee 1-da luuliyo Xasuuqi Abogaaga

Magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan gobollo kaladuwan oo Kanada ah ayaa sheegay in aysan u dabaaldageyn maalinta Xoriyada Kanada oo ku 1-da Luuliyo ah. Arrintaan ayey ku taageerayaan madaxda Abogaaga oo dalbadey in aan la daabldagin, balse loo baroordiiqo maydedka kunka ku dhowaa ee qabuurahooda laga helay galbeedka Kanada.

Qaar ka mid ah madaxda dadka Abogaaga ah ee loogu tagey Kanada ayaa dalbadey in la baajiyo dabaaldaga maalinta xoriyada ee Kanada oo ku aadan maalinta Soomaaliya ee 1-da Luuliyo. Codsigan ayaa waxaa uu imaanayaa ka dib markii todobaadki hore iyo bil ka hor laga helay labo meel oo kala duwan maydad gaaraya 1000 qof oo aan horey loo ogeyn. Maydadkan ayaa u badan ilmo Abogaa ah oo waalidkood laga qaatey si loo dhaqanrogo. Dhaqan rogan ayey caddaanki Kanada qabsadey ku sheegeen ilbixin maadaama ay dhaqanka, afka iyo diimaha dadka Abogaaga ah u arkeen kuwo ka liito kuwaada.

Gobolka British Columbia ee galbeedka Kanada waxa ku dhawaaqay in ay aqbaleen codsiga madaxda Abogaaga Kanada afar magaalo. Halka Gomolka Saskatchewan ee dariska la ah ay labo ka mid ah magaalooyinkiisa ay goaansadeen sida oo kale. Labadan gobol ayaa ah kuwa laga helal 751 meel ah iyo 215 maydadka caruur aan qabriyadooda horey loo shaacin, meel ay ku danbeeyeena aan la ogeyn. Gobolka Ontario ee ay caasimada Ottawa ka tiransan tahayna afar magaalo oo yar yar ah ayaa ku dhawaaqey in aysan qabaneyn dabaaldega sannadkan. Lix magaalo oo ka tirsan gobolka New Brunswick ee bariga adalkaas yaa iyaguna tilaabadaas qaadey. Hasa ahaatee Raysul Wasaaraha Kanada ayaa isagu yiri aanu iskudarno baroordiiqda iyo dabaaldega.

Dadka Abogaaga Kanada ayaan wali ka soo kabanin dhibaatooyinki ay ka dhaxleen gumeystihi reer Yurub ee dhulkooda qabsadey, iyaga oo ilaa maanta hogaaminayo daruufaha adag ee danyarta Kanada haysto. Abogaago waxaa ay safka hore uga jiraan faqriga, cudurada macaanka, dhiigkarka, xayrta, iyo kansarka ay ka mid yihiin. Waxaa kale oo ay hogaaminayaan qowmiyadaha caruurta ugu badan laga qaato waalidkooda ee dad aan ku dhaqan, diin iyo af midna ahayn loogeeyo

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.