Xogmaal Media

Ciidanka Itoobiya oo ka Baxay Makale iyo Xabad Joojin ay Dowladda ku Dhawaaqdey

Dowladda itoobiya ayaa xabad joojin dhankeeda oo kaliya ah ku dhawaaqdey, xilli ay ciidankeeda ka soo saartey caasimada gobolka Tigreega ee Makale. Jabhada Tigreega ayaa la wareegtey magaalada Makale oo uu dagaal Xun ka dhacay, dadkuna aad uga qaxayeen tan iyo markii dowladda Itoobiyo ku dhawaaqdey dagaalka ka dhanka ah goonigoosatada TPLF dhamaadki sanadki hore.

Warkan ayaa waxaa tabiyey warbaahinta dowladda Itoobiyo, ka dib marki maamulki dowladda dhexe u magacowdey ay ka baxeen Makale. Xabad joojintan ayaa la faliyaa in ay dabciso dagaalka daba dheeraadey ee hada socdo sideeda billood, islamarkaasna barakiciyey kumanaanka ruux ee ku nool gobolka Tigreega. Waxa kale oo ay xabad joojintan ku soo aadeysaa iyada oo la sugayo natiijadi doorashadi Itoobiyo ee ay gobolka Tigreega iyo kuraas kaleba ay ka maqnaayeen.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtey in xabad joojintan ay socon doonto tan iyo dhamaadka xilliga abuurka beeraha oo ku eg bisha 9-aad. Waxa ayna dowladdu amar ku siisay dhamaan hay-addaha dowladda in ay tixgeliyaan xabad joojinta. Jabhada Tigreegu wali kama ay soo saarin warbixin sax ah oo ku aadan goaanka xabad joojinta dowladda Itoobiya.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.