Xogmaal Media

182 Qabuuro aan Horey loo Ogeyn ee Caruurti Abogaaga Kanada oo la Helay

Qabuuro horleh oo aan horey loo shaacin ayaa laga helay gobolka British Columbia ee galbeedka Kanada. 182 qabuuro caruurti waalidkood laga xoogey ee Abogaaga ahaa ayaa laga helay banaanka dugsi waxbarasho ee ilmaha lagu hayn jirey ee Cranbrook, British Columbia.

Qabuurahan oo ah kuwii saddexaad ee noocooda ah ee la helo mudo lix todobaad ah, ayaa lagu soo waramayaa in aan qabriyadooda hoos loo qodin ee inta faagey la isaga ridey. Dugsigan waxbarasho ee banaankiisa laga helay qabuuraha caruurta ayaa ahaa mid ay ku qasbanaayeen caruurta Abogaaga ah ee deegaanadka uu ku yaaley in ay dhigtaan. Bulshada deegaankaas ayaa sheegay ay caruurti dhigan jirtey intoodi ka badbaadey ay sheegeen in ay dhaqan xumo iyo cadaadis badan kala kulmi jireen howlwadeenida dugsiga.

Horey ayaa loo helay qabuuro badan oo ku kala yaallo gobolkan British Columbia iyo midka ay dariska yihiin ee Saskatchewan. Tiro ku dhow 1,000 haraagi maydad caruurta Abogaaga Kanada ah oo aan horey loo hayn meel ay ku danbeeyeen ayaa lahelay todobaadyadi na soo dhaafey.

Halkan ka akhriso wararka la xariiro maydadki hore.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.