Madaxda Soomaalida iyo Mareykankaba ma Daneeyaan Daryeelka Dadka ay Duqaymaha Mareykanku Waxyeelleeyeen
Tan iyo burburki dowladdi dhexe ee Soomaaliya 1991-di ilaa iyo maanta, Soomaali badan ayaa u dhimatey una dhaawacantey howlgalo ay ciidamo ajaanib ah ka fuliyeen dalka. ciidamadaas oo sifooyin sharci iyo sharcidaro ah isugu jiro loo fuliyo howgaladoodaada ayaa waxaa u horeeyo duqaymaha Mareykanka ay Soomaaliya ka fuliyaan.
Ma jirgto cid la ogyahay oo aruuriso, soo bandhigto waxyeelada ay ciidamada shisheeyaha ahi ka gaystaan Soomaaliya. Sidaas darteedna lama hayo tirokoob lala wadaagi karo Soomaalida iyo ciddii kale ee daneynayso baaxada qasaare ee ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa kale ee shisheeyuhu ah ay gaystaan.Balse hal maalin ah, 1-di bishii afraad 2016 ayey ciidamada Mareykanku ku dileen 29 qof tuullo hoostagto Janaale. gobolka Shabeellada Hoose. Intaas waxaa dheer ma jirto dowlada Soomaaliyeed, maamul gobolleed iyo federaalba mid u hadasha ama xaqooda siisa dadka la waxyeelleeyo oo intooda badan reer miyi ah.

Wargeysa Intercept ee xaruntiisu tahay dalka Mareykanka ayaa warbixin dheer oo ku saabsan sida ay dowlada Mareykanka isaga indhotirtey in ay xiriir la sameyso ama ay iyagu la soo xariiraan dadka Soomaaliyeed ee ay duqaymahoodu dhibaateeyeen iyo ehelada kuwii ay dilleen. Iyada oo in ka badan 10 sanno aysan wax nidaam ama hab ah oo ay Mareykanka iyo dowlada Soomaaliya sameeyeen si ay dhibanayaashu ula soo xariiraan dowlada Mareykanka iyo Soomaaliyaba. Bishi aan soodhaafney ee Juun ayey ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya joogo sameeyeen hab dhanka Interned-ka ah oo loo la xariirayo. Xusuusnow, dadka ugu badan ee ay dill iyo dhaawaca loo gaysto waa reer miyi aan interned isticmaalin.
Jaantuskan hoose waxaa uu muujinayaa kororoka duqeymaha Mareykanka ay dalkeena ka gaystaan.

Dadka Soomaaliyeed ee dhibaatooyin loogaystey laga wareystey ama wax xaq ah laga siiyey ma dhamo 1%. Arrintan ma ahan mid ay ku eedeysan tahay dowlada Mareykanka oo kaliya ee waxaa eeda inteeda badan iska leh dowlada Soomaaliya xukumadaheedi afarta ahaa ee ugudanbeeyey. Halka shacabka, qaasatan aqoonyahanka iyo indheergaradka kaleba ay eeda qayb weyn ku yaalanayaan.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.