Wafti heer Maamul Gobolleed oo ka kooban afar wasiir oo ka socdo Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Buntilaan ayaa saaka u anbabaxayo magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Safarka wasiiradan ayaa ka mid ah heshiiski qaran ee doorashooyinka ee la kala saxiixdey 27 bishii afraad, kaas oo xal loogu raadinayey ismariwaaga Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedka Jubbalaan ee ku saabsanaa xalka Gedo.
Xubnaha waftigan oo kala ah Axmed Madoobe Nuunow (Axmed Baashe), KG, Maxamed Cali Caadle, HSH, Aadan Qoryooley, GM, iyo Dhabancad oo ah wasiirka Buntilaan ayaa laga raba in ay warbixin safarkooda ah la wadaagaan Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Warbixinada laga filayo in ay ka soo gudbiyaan safarkoodan ayaa isugu jiro labo qayb oo mid ay iyagu u madaxbanaan yihiin, halka midka kale ay ka sugayaan bulshada Garbahaarey. Warbixinta koowaad ayaa ah in ay soo qiimeeyaan in Garbahaarey ay doorasho ka dhici karto iyaga oo ka fiirinaya dhanka nabada iyo xoriyadda.
Qodobka labaad ee ay Wasiiraddu doonayaan in ay Raysul Wasaaraha la wadaagaan soo noqodkooda ayaa ah qofka qabanaya xilka Duqa Magaalada Garbahaarey inta ay doorashada socoto iyo ka dibba. Sidii ku cornea heshiisiinta qaran ee doorashada ee lagaarey dhamaadki bishii afraad, duqa magaalada waxaa soo gudbinayo bulshada Garbahaarey, waxana magacaabayo Madaxweynaha Jubbalaan, Axmed Maxamed Islaan, Axmed Madoobe. Reer Garbahaarey ayaa soo gudbin doono afar magac oo kala ah labo gudoomiye iyo labo gudoomiye ku xigeen, halka uu Axmed Madoobe ka dooran doonno labo magac oo kala ah gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen.
Reer Garbahaarey ayaa laga rabaa in ay wasiiradan la wadaagan afarta magac, islamarkaasna ku qanciyaan in ay Garbaarey tahay magaalo nabadeed oo xoriyaddi ka jirto.
Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.