Xogmaal Media

Geeridi Abubakari Yakubi ee Qaranka Gaana iyo Ajax u Ciyaari Jirey ayaan Wali Meel la Saarin

Ciyaartooygi hore ee kooxda FC Ajax, Vitesse iyo Qaranka Gaana oo geeriyoodey 2017-ki ayaan wali la hubin sababti uu u dhintey. Sida adligeed ayaa laga sameeyey barnaamij xogwaran ah oo lagu vaadi goobayo sababihi ka danbeeyey dhimashadiisa. Ciyaaryahankan ayaa ku geeriyoodey isbitaalki uu ku dhashey isaga oo 35 jir ah.

Abubakari Yakubi waxa uu kooxda Ajax ee dalka Holland ku soobiirey asaga oo 17 jir ah, waxana uu u ciyaarayey 1999-2004-ti. Waxa uu kooxda Vitesse ee isla dalkaasna u ciyaarey shan sanno oo ka danbeeysay. Intii u dhaxaysay 2002-2006-di waxa uu qaranka dalkiisa u ciyaarey 16 jeer. Abubakari ma xanuunsan inta la ogyahay, waxana geeriduusu ay la yaab ku noqotey dad badan oo horey ula soo shaqeeyey ciyaaryahaynka. Maadaama aan la shaacin sababti uu u geeriyoodeyna, warbaahinta Holland ayaa qaarkood soobandhigey warbixin hordhac ah oo laga sameeyey baarista dhimashadda Abubakari Yakubi.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.