Xogmaal Media

Shirkadaha Daawooyinka Sameeyan oo Dhacay Mareykanka

Tan iyo biloowgii faafida cudurka Karonaha waxa isa sootarayey bililiqada ay shirkadaha waaweyn ee daawooyinka sameeyaa ay ku hayaan dunida, qaasatan wadamada dhaqaalaha xooggan leh ee uu Mareykanku ka mid yahay. Soosaaristi noocyada kala duwan ee tilaalka Karonaha ayaa lagu furtey wadamadan, hadase waxaa soo horyeeshay dhac cusub oo ku saleysan kaniiniyo loo cuno Kofid 19-ka.

Shirkadahan waaweyn ayaa malyuumaad lacag ah u isticmaalay si aan loola xisaabtamin iyaga oo dhexmarayo xafiisyada u adeego maalqabeenada iyo dowladaha danaha gaarka ah ee Lobbyist loo yaqaan. Shirkadahan ah ayaa masuuliyad toos ah iyo mid dadban ba ugu leh dhimashada faraha badan ee uu cudurkan u gaystey bulshada caalamaka, qaasatan kuwa dhaqaalaha leh ee soosaaran kare daawooyinka. Shirkada Merck & Co. ayaa dhawaan soo saartey kaniini loo isticmaaliya xanuunada ka dhasha Karonaha. Shirkadan ayaa hada lagu tilmaamey in ay dowlada Mareykanka ku dalacdey 40 jibaar qiimihi dhabta ahaa ee ay daawadan cusub ka joogi lahayd suuqa.

Merck waxaa lacagta ay daawada ku soosaartey ee cilmi baarista ku baxdey $29 minyan oo ka mid ah siisay dowlada Mareykanka.

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.