Xogmaal Media

Hantidhowrka oo beeniyey warqad laga faafiyey (Aqri)

0

Xafiiska hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa beeniyey inay kasoo baxday warqad lagu amray dowladda hoose ee Muqdisho inay si ku meel gaar ah u joojiso canshuur aruurinta, sababo la xariira baaritaan ku bilaabanaya.

Warqadaas oo ku taariikheysan 29-kii bishan ayuu cadeeyey xaafiiska guud ee hantidhowrka in aysan isaga kasoo bixin oo ay been abuur tahay.

“Xafiiska hantidhowrka Guud ee Qaranka wuxuu caddeynayaa in warqaddaan hoose aysan sax aheyn kana soo bixin Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayna tahay warqad been abuur ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xaafiiska hantidhowrka guud ee qaranka.

HALKANI KA AQRISO WARSAXAFADEEDKA

Leave A Reply