Wasaaradda Cadaaladda ee Mareykanka ayaa lagu wadaa inay laasho dacwadaha dambiga ee lagu soo oogay lataliyihii hore ee ammaanka qaranka dalkaas Michael Flynn.
Flynn ayaa waxa uu ka mid ahaa dad hore ula talinjiray Madaxweyne Donald Trump oo la maxkamadeeyay intii uu socday baaritaankii gaarka ahaa ee lagu sameeyay faragelinta Ruushka ee doorashada.
Waxa uu 2017 qiray inuu been FBI-da uga sheegay xiriirkii uu la lahaa safiirka Ruushka u fadhiyay waddanka Mareykanka.
Flynn ayaa waxa uu doonayay inuu ka laabto qirashadiisii hore.
Go’aanka wasaaradda cadaaladda ayaa sidoo kale imanaya xilli ay kiiskaasi dhaleeceeyeen Madaxweyne Donald Trump iyo taageerayaashiisa.
Flynn, oo ah janaraal howlgab ah, ayaa waxa uu xilkii uu ka hayay Aqalka Cad iska dhigay Febraayo 2017, todobaadyo un kaddib markii xilka madaxtinimada loo dhaariyay Madaxweyne Trump.
Isagoo ka falcelinayay go’aanka, ayuu Flynn waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay muuqaal uu kula jiro wiilka uu awowga u yahay oo ay leeyihiin “Cadaaladdu waa inay qofwalba gaartaa”. Khamiistiina, Mr Trump ayaa sheegay “inuu aad ugu faraxsanyahay Janaraal Flynn”.
Waa kuma Michael Flynn?
Waxa uu aad u taageeri jiray Mr Trump intii uu socday ololihiisa doorashada 2016, walow uu markiisii hore muddo dheer soo ahaa Dimuqraadi.
Flynn ayaa waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee uu madaxweynuhu magacaabay – markii Mr Trump uu maalmo un kaddib xil u magacaabay kaddib guushii doorashada.
Labada nin ayaa isku maandhaafay arrimo badan, oo ay ka mid yihiin in xiriir dhaw lala yeesho Ruushka, in dib loo bilaabo wadaxaajoodka Iiraan iyo sidii loogaga hortagi lahaa halista ka imanaysa maleeshiyaadka ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.
Hasayeesehee ninka uu Mr Trump badalay, Madaxweyne Barack Obama, ayaa waxa uu ka digay in shaqo la siiyo Flynn.
2014, maamulka Obama ayaa shaqadii madaxa hay’adda sirdoonka gaashaandhigga ka joojiyay Flynn, kaddib markii lagu eedeeyay maamul xumo iyo dulqaad yari.
Flynn, oo sodon sanadood ka soo shaqeynayay milateriga Mareykanka, ayaa waxa uu ku cawday in xilka looga qaaday kaddib markii uu sheegay run cad oo ku saabsan Islaamiyiinta xagjirka ah.
Maxaa kiiskaasi loo laalay?
Dhageysiga maxkamad ay markii ugu horraysay baahisay wakaaladda wararka ee Associated Press, ayaa wasaaradda cadaaladdu waxa ay sheegtay inay laalayso dacwadahaasi “kaddib markii ay dib u eegtay dhammaan caddaymaha iyo xaaladaha kiiskan, oo ay ku jiraan xog cusub oo la helay iyo midkale oo shaaciyay”.
Wasaaradda ayaa sheegtay in wareysiyo dhexmaray baarayaasha iyo Flynn bishii Janaayo 2017 ay ahayeen “kuwo aan sal lahayn” oo aanan loo qaadin “hababka sharciga ah ee baaritaanka”.
Wasaaraddu waxa kale oo ay sheegtay in aysan caddayn karin in Flynn uu been sheegay, oo waxa ay sheegtay in wareysiga kaddib, wakiillada FBI-du “ay muujiyeen hubanti la’aan ah in Mr Flynn uu been sheegay iyo in kale”.
Waxa ay sidoo kale sheegtay wasaaraddu in la caddeeyo in qof uu baarayaasha federaalka u sheegay bayaan aanan waxba ka jirin ay u baahan tahay wax ka badan in been la sheego.
“Sidoo kale waxaa la doonayaa in bannaanka la soo dhigo in bayaanka uu ahaado ‘mid la taaban karo’ oo la xiriira baaritaanka socda”.
Xigasho BBC